Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa madaxa dowladda Soomaaliya waxa uu ku eedeeyey inay doonayaan mudo kororsi.
Waxa uu sheegay in Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ay rajo weyn ka qabaan in dalka doorasho ka dhacdo markii madaxda hadda uuu waqtigoodu dhamaado.
Hayeeshee uu sheegay inay qorsheynayaan inay waqtiga koror sadaan.
”Waxaan ognahay in madaxda hadda uu qorshahoodu uu yahay in mudo 2 Sanno ah ay waqtigooda ku darsadaan laakin anaga kama yeeleyno ayuu sii raaciyey  Xildhibaan Cabduqaadir  Cosoble.
Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar waxa ay ku cel celiyeen in dalkan ay doorasho ka dhaceyso markii uu waqtiga xilheyntooda uu dhamaado balse Xildhibaanada qaar ay aaminsan yihiin in waqti kororsi uu imaan karo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble.