Wafdiga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Qorsheynta dowlad Goboleedka Jubbaland  Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa  Maanta waxa ay gaareen degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Wafdiga ayaa waxaa markii ay tageen Garbahaareey halkaasi ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday kaas oo watay rabshado aan wax khasaaro ah ka dhalan,kadib markii Ciidamo ka tiran Jubbaland ay rasaas ku fureen dadka banaabaxa dhigayay.
Wafdiga Wasiirka qorsheynta Jubbaland ayaa waxa ay hordhac u yihiin booqasho dhawaan la filayo in Garbahaareey uu ku tago Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Wararka Caawa aan ka heleyno Garbahaareey ayaa waxa ay ku waramayaan in wafdiga Wasiirka ay weli halkaasi ku sugan yihiin Garbahaareey,isla markaana Caawa ay ku hoyanayaan Xarunta Maamulka degmada Garbahaareey.
Rabshadihii iyo banaanbixii Maanta ka dhacay degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo weli wax War ah kama soo saarin dowlad goboleedka Jubbaland.