Dilka Darawalka ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska EVECOÂ ee Wadada Warshadaha gobolkaan Banaadir waxaan la sheegay in ninka uu waday Gaari sidey meyd.
Darawalka la dilay oo ahaa Wiil Dhalinyaro ah  ayaa waxaa Wararku sheegayaan in uu Gaariga ku waday meydka Aabihiis oo la doonayay in maanta la’aaso halka dadka qaarkood ay sheegeen in uu ahaa Adeerkiis.
Darawalka ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyey mid ka mid ah Ciidamada dowladda ee ku sugan Isgoyska EVECO,kadib muran soo kala dhexgalay,waxaana uu ugu geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho oo dhaawac ahaan loo geeyey.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in askarigii ka dambeeyey dilkaas ay gacanta ku dhigeyn ciidamada,isaga oo doonayey in uu goobta ka baxsado.
Goordhow la socda Wareysiga qof Gobjoog ka ahaa dhacdaas.