Askari ka tirsan Ciiddanka Kenya ee Kenya ayaa la sheegay inuu toogtay  wiil 14 jir ah, kaasi oo saalaadda Taraawiixda ku soo tuhkaday Masjidka Carabiya ee Degmadda Mandera.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in wiilka laga soo toogtay gaari ay wateen Boliska, xilli uu wiilku ku sugnaa albaabka Masjidka.
Wiilka la toogtay ayaa lagu magacaabi jirey Abuukar Khamiis, waxaana la sheegay in garabka laga toogtay.
Dhakhaatiirta Isbitaalka Guud ee Mandera ayaa sheegay inuu wiilku u geeriyooday dhiig bax.
Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa sheegay inaysan Saraakiisha Ciiddanka Ammaanka wax faahfaahin ah ka bixinin sababaha ay wiilkiisa yar u toogteen.
Madaxa Ammaanka ee Mandera, Aleskia Nokoyo weli kama hadlin toogashadaasi.
Dhinaca kale, toogashadan ayaa timid, iyadoo uu Madaxweynaha Kenya sheegay inuu xayiraadii bandowga ka qaaday Goballadda W/bari, si ay Muslimiinta fursad ugu helaan inay habeenkii gutaan Waajidbaadkooda Diiniga ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Xigasho: The Star
© Warqabadka Radio Dalsan