Maqribnimadii Caawa ayaa kooxo hubeysan waxa ay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dileyn Nin ka mid ahaa dadka ku nool xaafad ka tirsanaa degmadaas.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Dalsan u sheegeen in Ninka lagu diley meel u dhow Baar ha i dhaafin ee degmada Waaberi,waxaana Magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdi Barre (Kuusow).
Weli macada sababta loo diley,balse waxaa uu degmada Waaberi ku lahaa Goob Timaha lagu jaro,iyada oo dadkii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta ka baxsadeen,kadib markii ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa kala dhaceyn.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaarey goobta uu dilka ka dhacay,kuwaas oo goobta ka qaaday meydka Marxuumka,iyaga oo geeyey Xarunta Dambi barista ee CID-da.
Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay haatan howlgal ka wadaan agagaarka Goobta uu dilka ka dhacay ee Baar ha I dhaafin,wallow weli aan la xaqiijin in dad lagu qabtay howlgalkaas.
Dilka ka dhacay degmada Waaberi ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Maanta siyaabo kala duwan askar ka tirsan Ciidamada dowladda loogu diley Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda.