Jugta qaraxa oo aad u xooganeyd ayaa Goordhow waxaa inta badan laga maqlay degmooyinka gobolkan Banaadir,waxaana soo baxaya in qaraxa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda
Qaraxa oo ahaa miino Wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Taleex gaar ahaan agagaarka Farmashiyaha kulan,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowaldda Soomaaliya oo goobta mareyey.
Saddex ruux oo mid ka mid ah aheyd haweeney caano ku iibineysay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la xaqiijiyey in ay qaraxaasi ku dhaawacmeen
Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaarey goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo xirey Wadooyinka soo gala.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com