Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo Xaafada suuqa Xoolaha ee Magalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM,kuwaas oo geystay khasaaro kala duwan.
Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagua aaso ah ayaa waxa ay ka dhaceen agagaarka Isgoyska Sos ee degmada Hurwaa,waxana la sheegay in ay qaraxyada mid ka mid ah uu qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxyada oo ahaa kuwo kala dambeeyey ay ka dib  Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas farabadan oo ay ku waxyeeloobeen dad Shacab ah oo agaraya ilaa 5 ruux kuwaas oo ku sugnaa meel u dhow halka ay qaraxyada ka dhaceyn.
Wararkii u dambeeyey ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay weli ku sugan yihiin halkii ay qaraxyadu ka dhaceen,isla markaana ay joojiyeen isku-socodka dadka iyo gaadiid Isgoyska Sos ilaa Xaafada suuqa xoolaha.
Qaraxyadaan maanta Ciidamada lagula eegtay Xaafada Sos weli kama hadlin laamaha amniga soomaaliya iyo kuwa AMISOM intaba.