Ciidamada Soomaaliland ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen maandooriye,lacag farabadan oo kala duwan iyo dadkii watey ka dib howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magalada Hargeysa.
Maandooriyaha oo ka kooban 85 litir lacag isugu jirta, Dollar,Lacagta Soomaaliland iyo Birta itoobiya ayaa waxaa lagu soo bandhigay saldhiga dhexe ee Magalada Hargeysa,waxana goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigayey Saraakiisha ugu sareysa Booliska soomaaliland.
Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliland Feysal Xiis ayaa sheegay in ay hayaan 85 litir oo Maandooriyaha Isbiirtada loo yaqaano 68 Caag oo faaruq ah oo horey loo gaday maandoorihii ku jiray,(Sideed Milyan Saddex Boqol iyo sideetan Kun) oo kaash ah.
Gaba gabadii waxa uu sheegay Afhayeenka in dadka lagu soo qabtay maandooriyahaas iyo kuwo kale oo burcad ah dhammaantood ay dhawaan maxkamad soo taagi doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka booliska Soomaaliland.