Ka dib kulan gaar ah oo ay Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku yeesheen guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay ka soo saareen dhowr qodob oo ku saabsan dhinaca amniga.
Kulanka ayaa intiisa badan waxa ay uga hadleen dagaal beeleedyo saacadihii la soo dhaafay ka dhacayey deegaano ku yaalla Galbeedka Magalada Kismaayo,dagaaladaas oo u dhaxeeyey labada Maleeshiyo beeleed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Jubbada Hoose korneel Maxamed Naasir oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sharaxay qodobadii ka soo baxay kulankaas.
Waxa uu sheegay in ay Warbixin ka dhageysteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland,Guddiga Amniga Maamulkaas iyo waxgaradka gobolka Jubbada Hoose intaasi ka dibna ay soo saareen qodobadaan.
1:- In qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland ay baaris dhab ah ku sameyso dambiyadii dhacay cida ku lug leh iyo nuxurka waxa keenay dagaalka labada beelood.
2:- In tuulada dagaalka uu ka dhacay la joojiyo dhismaheeda ilaa amar dambe,iyada oo tira koob rasmi ah lagu sameynayo waxa hadda ka dhisan.
3: In la soo qabto  sharcigana lahor-keeno dadkii ku lugta lahaa ama ka dambeeyey dagaalka sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee dhex maray labada beelood.
Go’aanadaan ka soo baxay Guddiga amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli Saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamo boolis ah oo farabadan ku sii qul qulayeen deegaanadii lagu dagaalamay ee Galbeedka Kismaayo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Jubbada Hoose.