Xoghayaha Guud ee Golaha Iimaamyadda iyo mashaa’iqda dalka Kenya, Uxadi Maajid ayaa ka codsaday Dowladda Dhexe iyo Dowlad Gobaleedyadda Kenya inay xoojiyaan sugidda ammaanka inta lagu guda-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Muslimiinta u baahan yihiin inay baqdin la’aan ku gutaan Waajibaadkooda Ramadaanka.
“Waxaan  ugu baaqynaa laabada Dowladod inay muhiimadda saaraan sidii loo badbaadin lahaa nolosha iyo hantida dadka Muslimiinta, gaar ahaan xilliyadda la tukanayo Salaaddaha Habeenkii, gaar ahaan Taraawiixda†ayuu yiri Mas’uulkaasi oo la hadlay Wargeyska The Standard.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay Bulshadda Muslimiinta kala shaqeynayaan Dowlad-gobaleedyadda qoraal qabyo ah oo Dhallinyarradda looga hortago Xag-jirnimadda iyo inay ku biiraan waxa loogu yeero Argagixisadda.
Waxa kaloo uu tilmaamay inay dhawaan bilaabi doonaan seminaaro dhallinyarradda looga wacyi-gelinayo Xag-jirnimadda.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay dadka Muslimiinta ee ku nool Kenya cabsi ka qabaan inay Hay’addaha Ammaanka beegsadaan xilliyadda habeenimo, iyadoo ay Boliska Kenya ku caan yihiin inay dadka ay qabtaan ka qaataan Laaluush.
© Warqabadka Radio Dalsan