Faah afahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo xalay ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaah dhexe,kuwaas oo geystay khasaaro dhaawaca ah.
Ilaa 4 Hoobiye ayaa la sheegay in xalay ay ku dhaceyn xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Midwoga Afrika ee AMSIOm.
Laba Ruux oo isku-qoys ah ayaa la xaqiijiyey in hoobiyeyaashaas ku dhawacmeen,waxna ka mid ah Nin Ganacsade ah oo Magaciisa lagu sheegay Taliye gaabow iyo Cunug ay dahleen qoys deris la’ah oo uu gurigooda ugu tegay hoobiyaha.
Dadka degmada Balcad ayaa waxa ay sheegeen in hoobiyasha badi ay ku dhaceyn meel banaan ah taas oo yareysay khasaaraha ay geysan lahaayeen hoobiyeyaashaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino balse kama jawaabin taleefoonadeena.
In kastoo aan sirasmi ah loo xaqiijin cidda hoobiyeyaasha xalay ku soo tuurtay degmada Balcad ayaa hadana waxaa xusid mudan in tuulada Basra oo 11km dhinaca Galbeed ka xiga dgmada Balcad ay ku sugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Waa markii ugu horeysay tan iyo markii mudo 9 Sano ka dib Ciidamada dowladda ay la wareegeen degmada Balcad hoobiyeyaal lagu garaaco,waxna dhawaan jirtay in Al-Shabaab mudo Saacado ah ay gacanta ku hayeen ka dib markii ay soo weerareen.