Madaxa Shirkaddaasi, Maxamed Maxamuud Sheekh Cali “Dable Pilotâ€Â ayaa waxaa  ay maanta kooxo hubeysan ku dileen Barxadda Baarka Spaghetti House oo ku yaalla meel ku dhow Isbitaalka Banaadir ee magaalladda Muqdisho.
Goobjoogayaal la hadlay Dalsan Radio ayaa sheegay in ay kooxo hubeysan rasaas huwiyeen Marxuumkaasi, xilli uu gaarigiisa dhigan lahaa Barxadda la dhigta Gawaarida ee Spaghetti House.
Wararku waxay sheegayaan in Maxamed Maxamuud Sheekh Cali Dable Pilot rasaastu ka haleeshay Caloosha, isla markaana uu u geeriyooday dhaawacaasi.
Allaha U Naxariistee Maxamed Maxamuud Sheekh Cali Dable Pilot waxa uu Madax ka ahaa Shirkadda Dhallinyaradda ku dhiiri-gelisa Hawlaha Ganacsiga, wuxuuna ahaa Ganacsadihii ugu horreeyey ee magaalladda Muqdisho ka hirgeliya Goobaha Landariga ee sida casriga ah loogu dhaqo Dharka, gaar ahaan Jaakadaha (Laundry)