Raâ€iisul-Wasaare ku xigeenka Xukumadda Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo la hadlay Warbahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Cafimaadka iyo Shaqalaha u tababaran Ololaha Talaalka Caruurta in ay da,dal dheer ugu jiraan sidii loo Talaalilahaa Caruurta loogana hor tegi lahaa cuduro ku dhaca Caruurta Soomaaliyeed.
Waxa uu ku amaanay Wasaaradda Caafimaadka qorshaha loo sameyay Ololaha Talaalka Caruurta,Raâ€iisul-Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka.
Waxa uu yiri “Waxaa arkay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan Bulshada waxaana qorshahaan kor joogtaynta uu qayb ka yahay Barnaamijka isla xisaabtanka ku dhisan ee Nabad iyo Nolol,Isaga oo cadeeyay in sidaan oo kale oo kormeeri doono Wasaaradaha si loo hubi shaqada ay hayaan.
Halkaan Ka Dhagayso Codka Raâ€iisul-Wasaare Ku Xigeenka Dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed Qadar.