Waxaa manata lagu waday in Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ay ku yeeshaan Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaasi,iyadoo uu kulnkaasi uu u  baaqday kooram la’aan kadib geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Hirshabeelle Saciid Xaashi Tooxow oo xalay Muqdisho ku geeriyooday.
Xildhibaan Cali Cusmaan Ibraahim oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in kulakii maanta lagu waday in su’aallo lagu weydiiyo Wasiirka amniga Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle uu baaqday,islamarkaana Xildhibaanada qaar ay kooramka ay soo xaadiri waayen.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uu isla xisaabtan ku dhisan yahay dhamaana lala xisaab tami doono Wasaaradaha maamulka Hirshabeelle ,iyadoo mid mid ay u xari doonaan kal-fadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle hortiisa.
Su’aallo weydiinta Wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle  ayaaa waxa ay ku soo aadeysaa xili wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar lagu dilay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka hirshabeelle oo al shabaab ay weerar jidgal ahaa ku qaaden xili ay socdaan ku marayeen wadadaasi.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cali Cusmaan Ibraahim.