Wararka naga soo gaaraya degmada Agooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye.
Wariyayaal ku sugan Afgooye ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada dowladda eek u sugan buundada degmada Afgooye,isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo socday.
khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalkaas Caawa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye,waxaana la soo sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ka jirto.
Dhammaan waxaa xiran goobaha Ganacsiga iyo degmada,iyada oo maamulka degmada aysan weli ka hadlin dagaalkaas.
Faah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com