Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo maanta lagu soo dhaweeyey markii ugu horreysay tan iyo markii uu noqday Ra’iisul Wasaaraha ayaa cadeeyey u jeedada uu u tegay Magalada Garoowe.
Ka dib kulan uu Madaxtooyada Puntland ee Garoowe uu kula yeeshay Madaxweyne gaas ayuu laba qodob ku sheegay u jeedada ugu weyn ee ku dhalisay in xilligaan tago Garoowe,isaga oo ah Ra’iisul Wasaare balse uu sheegay in dhowr mar uu horay u tegay.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in u jeedkoodu uu ahaa in puntland ay la wadaagaan Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada soomaaliyeed iyo in sidii loogala tashan lahaa aayaha Ummadda Soomaaliyeed,waxa uuna Shacabka puntland ku amaanay in ay yihiin dad jecel dowladnimada.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Garoowe aysan aheyn markii ugu horreysay uu yimaado balse dhowr mar uu tegay Garoowe iyo Gaalkacyo isaga oo Shaqooyin kale ka qabanayey.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.