Hadalkaas ayaa looga dhawaaqay, kulankii u horreeyey ee magaalada Asmara ku dhexmaray madaxweynaaasha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea iyo Isaias Afwerki.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Dowladdaha Soomaaliya iyo Eritrea ay ku heshiiyeen inay danjirayaal is-weydaarsadaan oo caasimahadaha labada dalna ay ka furan safaaraddo.
Waxa u sheegay in kulankii labada madaxweyne sidoo kale lagu heshiiyay dib u soo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo nabadgelyada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin dalka Ereteriya waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas, waxaana qorshuhu yahay in ay booqasho iyo kormeer ku maraan goobo iyo xarumo ku yaalla caasimadda dalkaas.
Soomaaliya ayaa waxaa horay ugu sugnaa welina ku sugan dad badan oo qaxooti Eritrean ah kuwaas oo Ganacsiyo iyo waxyaabo akle ku leh.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.