Guddoomiye Ali Roobo ayaa sheegay inuu 3 jeer ka badbaaday weeraro iyo qaraxyo ay Alshabaab la beegsadeen Kolonyada Gaadiidka ee uu ku safrayey, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Ilaaladii ku wehlisay socdaalladaasi ay ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen weeraradda Alshabaab oo uu xusay inay inta badan ahaayeen kuwo jid-gal ahaa.
Wareysi uu siiyey Wargeyska Standard Media ayuu ku sheegay inay Gacanta Rabbi ku jiraan Nolosha iyo Dhimashadda, isla markaana uu Alle uga mahad celinayo inaan ka badbaaday Weeraradaasi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Mandera, Cali Roobo oo ay saxaiibadiisa hore u yaqaanaan Kabtanka waxa uu sheegay in isku-day isaga lagu doonayo in lagu khaarijiyo u sabab tahay Dhaqdhaqaaqyadda uu kula dagaalamayo Hawlgalladda ay Alshabaab ka fuliyaan W/bari ee Kenya, gaar ahaan Nawaaixga Mandera, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, `waxa uu sheegay inay yaraadeen Weeraraddii ay Alshabaaab ka geysan jireen qaar ka mid ah Degmooyinka ku yaalla duleedka Ceel-waaq, Waran Kara iyo Alung, waa sida uu hadalka u dhigay, inkastoo aysan jirin hoos-u-dhac ku yimid weeraradda Alshabaab ka geystaan Kenya.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Dhismaha Derbiga uu kaalin ka qaatay Sugidda Ammaanka ee Deegaaanadda ku hareeraysan Xuduudka ay Kenya la wadaagto Somalia.