Waxaa isbedel lagu sameeyey talisyada Ciidamada Nabadsugida iyo booliska Gobolka Banaadir  iyo hoggaanadooda,iyada oo la baabi’iyey Ciidamada Nabadsugida laguna biiriyey Ciidanka booliska Soomaaliya.
Isbedelkaan ayaa saameeyey taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida,taliyaha qeynta  booliska Gobolka Banaadir Janeraal Maalin ayaa waxaa laga dhigay in uu noqdo taliyaha Ciidanka Taraafikada halka taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir  Saadaq Cumar Xasan loo Magacaabay taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir.
Qeybta Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxaa kaliya lagu soo koobay Sirdoonka dharcadka halka markii hore ay ahaayeen kuwo wata Gaadiidka dagaalka,isla markaana Magalada aad looga yaqaanay,balse haatan lagu biiriyey Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Qorshahaan iyo isbedelkaan ayaa madaxda dowladda waxa ay ku sheegeen in ay tahay mid looga gol leeyahay sugida amniga dalka.