Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea, halkaasi oo muddo saddex cisho ah uu joogi doono.
Magaalada Asmara, waxaa hadda ku sugan madaxda Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, sidoo kalena ay dowladda Somalia ku tilmaantay inay argagixisada xiriir la leedahay.
Haddaba jabhadda ONLF siday u arkaan safarka madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ku tagay Asmara. Su’aallhaasi waxaa ka jawaabey afhayeenka jabhadda ONLF, Caddaani Hirmooge,waxa uuna sheegay in safarkaas uu yahay mid muhiim u ah labada Shacab.
Waxa uu sheegay in dowlaha soomaaliya iyo Eritrea uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireyn ah,waxaana sidoo kale uu ka hadlay in uu rajeynayo in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo maadaama ay ku wada sugan yihiin Asmara.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka jabhadda ONLF.