Wararka ka imaanaya gobolka Bokool ayaa sheegaya in howlgal qorsheysnaa oo ay fuliyeen Ciidamada Darwiishta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Ciidamo  la socday,iyadoo sidoo kale laga furtay hubkii ay wateen.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed(Xasan Eeley) oo la hadlay Voa  ayaa ku sheegay Sarkaal magaciisa Macalin Deerow,isla markaana Alshabaab u qaabilsanaa jidgooyooyinka wadada isku xirta Bay iyo Bakool.
“Howlgal qorsheysanaa oo ay saaka ciidamada Darwiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Lafaale oo qayaas ahaantii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bokool ayaa lagu dilay Macalin Deerow,waxaa sidoo kale goobtaasi lagu dilay ilaa 5 ka tirsan Al-Shabaab  la socotay,waxaana laga soo furtay hubkii ay wateen oo gaaraya ilaa 8 qoryaha loo yaqaano AK47,way sii socon doonaan howlgaladaâ€. Ayuu yiri Wasiir Xasan.
Si kastaba Warkaan ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan inay dileyn sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab dhankooda wax jawaab ah kama bixin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.