Hay’addan ayaa noqoneysa mid ka hortagta Badeecadaha khatarta ku ah Caafimaadka dadka iyo deegaanka, sidoo kale keenista iyo isticmaalka Badeecadaha dhacay ama tayadoodu Liidato si loo ilaaliyo badqabka nolaleed iyo caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey muhiimadda Ganacsiga iyo guud ahaan Dalka ay u leedahay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale u magacaabay 5 xubnood oo Hay’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka badeecadaha Dalka soo gala.
Xubnaha Guddiga Tayo dhowrka Soomaaliyeed waxay kala yihiin
1: Guddoomiye Aadan Xasan Barre
2: Cabdillaahi Salad Xasan   Xubin
3: Ibraahim Naxamed Xasan  Xubin
4: Fartuun Siidow Macalin Cabdi  Xubin
5: Cabdi Saqaawe Cismaan Xubin
Hay’addan ayaa hoostageysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada Dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha Dalka ka soo gala Dekedaha, Garoomada iyo Xuduudaha Dalka.