Kooxo ku Hubeysnaa Bustoolado  ayaa Caawa maqribkii waxa ay Wiil Dhalinyaro ah dil ugu geysteen Gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka qeybta Khudaarta.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka ka dib ay raggii hubeysnaa ay goobta ka baxasadeen,iyada oo aan weli la shaacin waxa uu ahaa shaqsiga la dilay.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Wiilka dhalinyarada ah ee la diley uu ka mid ahaa dadka ku Shaqeysta Caseeyaha.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaarey goobta uu dilka ka dhacay,waxana meydka Wiilka dhalinyarada ah loo soo qaaday Xarunta Dambi-baarista ee CID-da.
Laamaha amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Howl-wadaag wax faah faahin ah oo intasi dheer kama bixin Wiilka Caawa lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha,balse wax auu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee mararka qaar ka dhaca Magaalada Muqdisho.