Maalmihii la soo dhaafay waxaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-shabaab laga dareemayay deegaano hoos taga Degmada Cadale ee gobalka Sh/dhexe kadib markii Odayaasha dhaqanka lagu amray in ay keenaan dhalinyaro u dagaalanta Shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda ee Degmada Cadale ee gobalka Sh/dhexe Cali Cabdulle Caddow oo la hadlay Idaacda Dalsan ayaa sheegay Al-shababaab in ay dhibaato ku hayaan dadka reer miiyiga ah.
Waxa uu sheegay in Al-shabaab in ay dhacayaan dadka xoola dhaqatada sidoo kalana ay gubayaan guryahooda, Cali Cabdulle Caddow ayaa dhanka kale waxa uu cadeeyay in aysan maamulku awood u lahayn in ay ka hor tagaan dhibaatada Al-shabaab ay u gaysanayaan dadkaas.
Halkaan Ka Dhagayso Codka