Shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa galay Maalintii labaad waxaana Maanta oo Talaado ah la filayaa in shirkaas la soo gaba gabeeyo,isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii lagu heshiiyey.
Shirka oo shalay uu furey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa lagaga hadlay “Siyaasadda loo dhan yahay ee dalka†oo ku saabsan doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.
Maanta ayaa waxaa la galayaa wajiga labaad ee shirka,waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana si lmid ah shirka Maanta looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.
Shirka ayaa waxaaa goobjoog ka ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,Xildhibaano, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir madax ka tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta heer Federaal ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qorsheyaasha lagu xaqiijinayo hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2020-ka, gaar ahaan qabyo-tirka dastuurka, dhammeystirka hannaanka Fadaraaleynta iyo qiimeynta qorshe-hawleedka doorashooyinka sanadka 2020-ka.