Ugu yaraan 60-dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay saqdiidhexe ee xalay gaareen Tuulladda Mangai ee duleedka Degmadda Laamu ee dalka Kenya.
Dagaalamayaasha waxay isugu yeereen dadka deggan Tuulladda inay isugu yimaadaan Masjidka Mangai, halkaasi oo ay ka jeediyeen khudbado diini ah oo socotay muddo 3 saacadood.
Caaqilka Tuulladda Basuba, Yuusuf Nuuri ayaa sheegay inay in ka badan 100 qof la tukadeen Dagaalamayaasha salaadda subax.
Dhinaca kale, Dagaalamayaasha ayaa la sheegay inay gubeen labo mooto oo ay Wasaaradda Caafimaadka Kenya lahaayeen.
Waxay kaloo gudaha u galeen Dugsi ay Ardaydu seexdaan, waxaana la sheegay inay dab qabadsiiyeen in ka badan 100-joodariyaal cusub.
Dhinaca kale, Caaqilka Tuulladda Basuba, Yuusuf Nuuri oo la hadlay Wargeyska The Daily Nation ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay ciiddamo dheeraad ah u soo diraan Tuulladda, si ay uga hortagaan cabsida ay dadka deegaanka ka qabaan Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee, lama soo sheegin inay Alshabaab dad ku dileen hawlgalladaasi.
Berrito ayey ku beegan tahay sannad-guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Degmooyinka Lamu iyo Mpeketoni ee dalka Kenya, laguna dilay ku-dhawaad boqol qof.
รยฉ Warqabadka Dalsan Radio