Kalluumaysatada magaalada Kismaayo ayaa markii ugu horeysay billaabay inay dhoofiyaan kalluunka ay ka soo jillaabtaan xeebaha magaalada kaddib markii koox ganacsato ah oo gacan ka helaysa hay’ado samafal ay ka hirgaliyeen meel aan sidaa uga fogeyn xeebta warshad lagu diyaariyo kalluunka ka hor inta aan dibadda loo qaadin.
Bishii Maarso ee sanadkan ayay kalluunkii ugu horeeyay u iibgeeyeen magaalada Mombasa ee waddanka Kenya, kaasoo gaarayay illaa 47 tan, waxana dekadda Kismaayo ka qaaday markab yar.
Sidoo kale waxay kalluunka oo diyaarsan u qaadaan magaalooyinka kale ee Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho.
kalluumaysatada waxay saacado badan ku jiraan badda si ay kalluun badan u soo jilaabtaan. Marka ay yimaadaan xeebta, waxay billaabaan inay doonta ka dajiyaan kalluunka si ay ugu wareejiyaan warshad yar oo laga hiragaliyay magaalada dabaddana loo dhoofiyo.
Noocyada kalluunka ee ay soo jillaabtaan waxa ka mid ah kalluunka qaaliga ah ee loo yaqaanno King Fish ama tarraaqad iyo nooca kale ee tuunaha.
Kalluumaysatada ayaa ku faraxsan inay helaan qoboojiyayaal iyo warshad kalluunkooda lagu hayo waqti badan si fursad loogu helo in meela fogfog loo iibgeeyo.
Mustaf Cabdillahi Maxamad waxa uu ka mid yahay kalluumaysatada magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in markii hore ay dhib badan ku qabeen inaanay heli karin qaboojiyeyaal iyo warshad lagu diyaariyo kalluunka, taasina ay sababi jirtay khasaare badan.
“kalluunka awal hore waxan usoo saari jirnay, bada ayaan ka soo saari jirnay waxaan keeni jirnay suuqa, suuqa markaan keenno waxa dhici jirtay marka ay badu saa’id u furanto inaan meelaan ku kaydsano oon dhigno oo kaluunka hayso inaan wayno”
Waqtiyadii hore kalluun badan ayaa ka halaabi jiray sababo la xiriira inaanay heli karin goobo ay ku keydiyaan. Heerka qabowga ee kallunkan hadda lagu kaydiyo warshadan ayaa gaaraya -40.