Ra’isul-wasaaraha ayaa hadalkaasi siiyey Weriyayaasha, kadib, markii uu Kulan albaabadda u xirnaa la yeeshay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM.
“Milliteri ahaan Alshabaab waxaa looga guuleysan doonaa dabayaaqadda sannadkan, laakiin waxaa waqti badan qaadan doonta sidii Dhallinyarradda looga joojin lahaa inay ku biiraan Alshabaab†ayuu yiri Ra’isul-wasaare Sharma’arke.
Waxa uu intaasi ku daray inay diyaarinayaan Barnaamijyo shaqo iyo waxbarasho loogu abuurayo Dhallinyarradda si looga hortago inay ku biiraan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Ra’isul-wasaaraha waxa uu  rajo ka muujiyey in dhowrka bilood ee soo socda ay AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda ay kala wareegi doonaan Alshabaab deegaannadda ay weli haystaan.
Waxa uu farta ku fiiqay inay Alshabaab haatan 20% ka maamulaan dalka Somalia.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaruhu waxa uu ka digay inay Dagaalamayaasha Alshabaab kordhin doonaan weeraradda marka ay curato Bisha barakaysan ee Ramadaan, waa sida uu hadalka u yiri.
Xigasho:- AP
© Warqabadka Dalsan Radio