In ka badan 60 Xildhibaan oo ka kala tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa madaxda dowladda federaalka ku cambaareeyay xayiraada dhanka socdaalka ee ay saartey degaaanada maamulka Jubaland.
Xildhibaanad ayaa soo saara War-saxaafadeed ay ku midaysan yihiin, waxaana si adag ay kaga hadleen tallaabadii lagu xiray duulimaadyada diyaaradaha ee degaanada maamulka Jibbaland.
Hay’adda Duulista ayay ku eedeeyeen inay qaadatay amar khilaafsan shurcuuda.