Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga heleyaa 5 caruur ah oo saaka lagu dilay degaan ka tirsan Dowlad degaanka Soomaali Galbeed, kuwaasi  oo ahaa Arday Dugsi quraan.
Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya yaa sheegaya in falkaasi naxdinta leh uu ka dhacay xuduudda gobolka Galgaduud iyo Dowlad Deegaanka gaar ahaan deegaanka Qorof ee degmada Gallaadi.
Waxaana Xiliga uu dilku dhacayay ay carruutu hurdayeen goob u dhaw dugsiga ay dhiganayeen, waxaana la sheegay in carruurtaasi ay dileen koox hubeysan oo malleyshiyaad ah, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday dilka kadib.
Carruurta la dilay waxaa ugu weynaa 13 jir, waxaana dilkoodu uu la xariiraa anooyin qabiil oo degaankaasi kusoo laalaabtay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in caruurta la dilay ee shanta ah ay xalay Aroos tageen, kadibna meel dugsiga Quraanka u dhaw oo balabalo ah ay seexdeen, halkaasi oo dableyda hubaysan ay ugu yimaadeen, kadibna ay ku dileen.
Anooyinka qabiil ayaa inta badan ka dhaca degaanadaasi, waxaana tiro dhawr jeer oo hore ah loogu dilay dad rayid ah, waxaan laamaha ammaanka ay ku raad joogaan sida wararku sheegayaan dableydii dilka gaysatay.