Dadka Kenyanka waxay weli waqti dheer sugayaan si ay u ogaadaan Tirada Askarta lagu dilay Weerarkii ay Xarakadda Alshabaab bishii Janaayo 15-dii ku qaadeen Askartii Kenyanka ee ku jirtay Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Weerarkaasi ayaa ahaa kii ugu xumaa ee ay Askarta Kenya la kulmaan tan iyo markii ay bilaabeen Hawlgalkii Linda Nchi ee ay ku soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.
Afhayeenka Milliteriga Kenya, Colonel David Obonyo ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation inuusan isagu shaacin Karin khasaaraha ka dhashay weerarkii Ceel-cadde.
“Ma lihi awooda aan kaga hadli karo arrintaasi. Waxa keliya oo arrintaasi awooda waa Madaxdayda†ayuu yiri Colonel Obonyo.
Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Kenya, General Samson Mwathethe oo ka hadlay weerarkaasi kadib ayaa ballanqaaday inuu dadweynaha u soo bandhigi doono tirada Askarta lagu dilay Ceel-cadde, inkastoo aan weli la soo bandhigin Khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray weerarkaasi.
Xarakadda Alshabaab waxay sheegteen inay in ka badan 100 Askari oo Kenyan ah ku dileen Weerarkii Ceel-cadde, inkastoo ay Taliska Milliteriga Kenya gaashaanka ku dhufteen sheegashadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Kenya oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM waxay weli ka meermeerayaan inay shaaciyaan Tirada Askarta looga dilay Weerarkii Ceel-cadde ka dhacay 5 bilood ka hor maanta oo kale.
©Radio Dalsan