Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in ay baarayso dilka 48-ka qof ee lagu dilay gobolka Oromia ee rabshadaha ay ka socdaan, waxayna eedda dhiiggan la daadiyey dusha ka saartay mucaradka.
Weerarkan oo ay fuliyeen Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo ah mid Addis-Ababa ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayaa toddobadkii tegay ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda, sida uu sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC).
Ugu yaraan 48, oo uu ku jiro mas’uul degmo, ayaa la dilay.
“Xaaladda aagga hadda aad ayay u kacsan tahay,” Ato Badassa, oo ah madaxa gobolka ee ee hay’adda EHCR ee dowladda xiriirka la leh balse madax-banaan ayaa u sheegay AFP.
Tiro dad ah ayaa sidoo kale la afduubay, ayuu yiri, isagoo aan sheegin tirada.
Oromia, oo ah gobolka ugu dadka badan Itoobiya, ayaa tan iyo 2018 waxaa ka socday kacdoo ay wadaan jabhada OLA, ayadoo wadahadallo nabadeed ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan horumar la taaban karo.