Waxa magaaladda Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee la bogaadinayo in ay bartaan kuna shaqeeyaan gabdhahu culuumta Science, Tiknoolojiyada, Ingineerinka iyo Xiisaabta. kulanka ayaa waxaa soo qababn qaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qarranka.
Mustaf Yaasiin, oo ah Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta oo ka hadlay kulankan ayaa xusay dhinacyada ay haweena ku jira STEM ka kala kulmaan caqabadah.
“Sababaha keeni kara ku yaraashaha haweenka waxaa ka mid ah, gabdhaha waxaa ku yar dumarka xirfadaan bartay ee horumar ka sameeyay oo ay ku dayan karaan, marka loo barbardhigo wiilasha. Waxaa muhiim ah in la sameeyo siyaasado gaar ah oo dhiirigeliya ka qeyb-qaadashada gabdhaha ee dhinaca tiknoolojiyadda iyo farsamada casriga ah.” Ayuu yiri Maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta Qarranka.
Ku dhawaad toban gabdhood oo barta culuumta ICT-da ayaa madasha kusoo bandhigay mashaariic ay saameeyeen, waxaa ka mid ah Caasho Cabdi Xaaji.
Iyada oo sharraxaysa mashruuceeda iyo sida uu caawinayo gabdhaha ayaa ay tiri, “Website-ka aan sameeyay waxaa waxa aan ugu talo galay gabdhaha si aan u xalino caqabadaha ay ka wajahayaan waxbarashada. Sanduuq wadda-sheekeysi ah ayaan u sameeyay oo ay la sheekeesan kara, dhiirigalinaya, su’aasha ay rabtana wayddiin karto.”
Lionel Laurens, oo ah Wakiilka Joogtada ah ee UNDP Soomaaliya, ayaa sheegay in si loo xaliya caqabadaha ay haweenku ka wajahaan dhanka barashada iyo ku shaqeynta Science, Tiknoolojiyada, Ingineerinka iyo Xiisaabta loo baahan yahay in la iska kaashado.
“Sidaan ognahay isbeddelka dhabta ah waxa uu dhacaa markii ay dowladda, bulshada, iyo dhallinyarada ay u wadda shaqeeyaan si wadajir ah, si loo toosiyo hab dhaqanka, hab fikirka bulshada loona maal-geliyo mustaqbalka gabdhaha,” Ayuu yiri Laurens Wakiilka UNDP ee Soomaaliya.
Waxa uu sii raaciyay, “sidaas daraateed aan u shaqeyno si wadda jir ah si aan u hubino in gabar kasta oo Soomaaliyeed ay galaangal ugu yeelan karto, una hogaamin karto dhijitaalka dunida. Ma ahan kaliya in taasi ay caawineyso mustaqbalkeeda ee xittaa tan dalka ayey u wanaagsan tahay.”
Maxamed Aadan Cali, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo soo xiray kulanka ayaa bogaadisyay gabdhaha soo bandhiyay mashaariicda xalka u noqon kara mushkiladaha tiknoolojiyadeed ee ka jira dalka.
“Gabar walba oo halkaan timi baahi jiirta ayaa ay xalineysay oo si dhijitaal ah u xalineysa” ayuu yiri Maxamed Aadan.
In kasta oo aysan jirin deddaallo xoogan oo wax looga caqabanayo cabaqadaha dumarka ka haysta barashada iyo ku shaqeynta culuumta STEM-ka, haddana in sanadkii 2019-kii manhajka dugsiyada dalka lagu daro maadada tiknoolijiyadda, khubarada waxbarashada ayaa u arka billow ay gabdhaha yar yar kaga faaiidaysan karaan barashada culuumtan.
Wariye Sadia Nor, Bilan Media