Lt Gen. Kayanja Muhanga, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Booqashadan oo diiradda lagu saaray qiimeynta howlgallada iyo diyaargarowga ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM, ayaa muujisay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Lt Gen. Muhanga wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in horumar laga gaaray hoos u dhigista awoodda kooxda, isagoo kula dardaarmay taliyayaasha iyo ciidamada inay ka feejignaadaan halista ay kooxdaasi leedahay.
Sidoo kale, Lt Gen. Muhanga wuxuu kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt Gen. Sam Kavuma, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Maj Gen. Ibraahim Sheekh, iyo wakiillo ka socday Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadajirka howlgallada.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ciidamada ATMIS ay isku diyaarinayaan inay u gudbaan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu wado in la bilaabo bisha December 2024. Uganda ayaa ka mid ah waddamada ay ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, iyagoo door muhiim ah ka qaadanaya nabadgelyada dalka.
Sanadkii 2023, 54 askari oo Ugandese ah ayaa ku dhintay weerar ka dhacay magaalada Buulo Mareer, taasoo muujinaysa halista ay ciidamada Uganda wajahaan gudaha Soomaaliya.