Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca ee Uganda, Jeneral Edward Katumba Wamala ayaa sheegay in Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM  la siiyey mushaaraadkii 10-ka bilood ee ka soo daahay, isla markaana loogu wareejiyey Bankiga Uganda.
Gen Edward Katumba  waxa uu tilmaamay inay Ururka Midowga Afrika ka heleen warka ku aadan in Mushaaraadka Ciiddankaasi loo soo gudbiyey Bankiga Uganda, waxaana Ciiddanka la siiyey mushaarka laga soo bilaabo bisha Janaayo ilaa September ee sannadkan.
Waxa uu xusay in kharajka Mushaaraadka la soo wareejiyey ka badan tahay 4.9 million oo Dollars.
Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca ee Uganda, waxa uu xusay inay Ururka Midowga Europe oggolaadeen inay mushaaraadka Ciiddankooda ka jooga AMISOM ku bixiyaan Lacagta EURO laga bilaabo bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Boqolka Dollar ayaa waxa uu u dhigmaa 92 EURO, taasi oo la micno ah in Askari kasta oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM uu qaadan doono lacag dhan 646 EURO bishiiba.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo la filayo inay Uganda 2,745 Askari isbuuca so osocda u soo diraan Somalia, si ay u beddelaan Guuto kale oo soo dhamaystay Hawlgal ay muddo hal sanno ah u joogeen Somalia.
Ciiddankaasi cusub waxaa Taliye u noqon doona Sarreeye Guuto Brig Kayanja Muhanga, kaasi oo bedeli doona Sarreeye Guuto Sam Okiding, kaasi oo soo gutay Waajibaadkiisa Taliyenimo ee halka sanno ee uu ku  joogay Somalia.
©Dalsan Radio