Ciidamada Badda Soomaaliland ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan 22 Kalluumeysato u dhashay dalka Yaman oo ka kalleemeysanayay Xeebaha Soomaaliland.
Howlgalka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Karin ee Bariga Gobolka Saaxil Soomaaliland sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Puntland.
Taliyaha Ciidamada ilaalada xeebaha Magalada Barbara Haaruun Siciid Cali oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Ciidamadu sidoo kale soo qabteen laba laash oo ay ku kalluumeysanayeen.
Waxa uu sidoo kale sheegay in 22 kalluumeysatada ah baaris ay ku socoto,isla markaana dhawaan Maxkamad lahorgeyn doono,waxana uu u digay Ajaanibta sida Sharcidarada ah uga kalluumeysta Xeebaha Magalada Barbara.
Guud ahaan Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa jira kalluumeysato Ajaanib ah oo sisharcidari ah uga kalluumeysta,waxaana sidoo kale ku sugan Maraakiib Shisheeye oo iyana kalluumeysta balse ay sheegaan in ay la dagaalamayaan burcad badeeda soomaalida ee mararka qaar afduubka geysanaya.