Madaxa Ilaaladda Waddada Haywayga, Jiim Abele ayaa u sheegay Suxufiyiinta in Bas ay la socdeen dad ka soo laabtay goob lagu qamaaro uu ku dhacay gaari Tareel ah oo marayey meel 160 KM u jirta magaalladda Los Anjelis ee Koonfurta Gobalka Kaliforniya.
Shilkaasi waxaa dadkii ku gereiyooday ka mid ahaa Dareewalkii iyo 12-qof oo rakaab ah, iyadoo 31 kalena ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale, Shirkadda leh Baskaasi ayaa ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiyaan shilkaasi, balse Wargeyska The local Desert Sun newspaper ayaa qoray in Dareewalka uu ka mid ahaa Milkiilayaasha Shirkadda Basaska ee USA Holiday Buses.
Hay’adda Badbaadada Gaadiidka Maraykanka ayaa sheegtay inay Koox Baarayaal u ddireen Shilkaasi, si ay u soo qiimeeyaan qaabkii uu ku dhacay Shilkaasi.
©Radio Dalsan