Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khud ka jeediyey Fadhigii Barlamaanka Federalka ayaa sheegay inay weli taagan tahay  dacwaddii ay u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee Garsoork ee ICJ oo ku aadan muranka dhinaca xuduudka badda ee kala dhexeeya Dowladda Kenya.
Madaxweynaha waxa uu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u hortegi lahaayeen Maxkamadda ICJ oo la filayo inay Dhegeysiga Koowaad furto sida lagu madalsan yahay sannadkan gudihiisa.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya horey u diiday in si hoose loo xaliyo murankaasi la xiriira Milkiyadda xuduud-baddeedka la isku haysto oo ku yaalla Badweynta Hindiya.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay, una muuqda inuu jawaabcelin dadban u yahay hadalkii ay Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Amina Mohamed ka sheegtay Barlamaanka Kenya ee ahaa  inay Dowladda Federalka Somalia oggolaatay in si xaalmastuur ah ay labada Dowladooda uga wada xaajoodaan murankaasi.
Dowladda Federalka Somalia waxay sannadkii la soo dhaafay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garoorka (The International Court for Justice) oo ay xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda The Hague ee dalka The Netherlands ama Holland.
Sidoo kale, Barlamaanka Dowladda Federalka Somalia ayaa horey gaashaanka ugu dhuftay Heshiis Is-faham oo horey loola galay Dowladda Kenya, kuna aadanaa xuduud-baddeedka sida ku cad Sharciga Baddaha ee Convention on the Law of Sea (UNCLOS).
Muranka Xuduud-baddeedka la isku haysto oo ku yaalla Badweynta Hindiya, ayaa la rumeysan yahay inay ka buuxaan kaydad Shidaalka  iyo Gaaska Dabiiciga.
Sannadkii 2012-kii, Dowladda Kenya waxaa lagu eedeeyey inay si sharci-darro ah kula heshiisay Shirkadaha Shidaalka ee TOTAL iyo ENI  inay shidaal iyo gaas  ka baaraan xuduud-baddeedka Somalia, inkastoo ay Kenya beenisay eedeymahaasi.