Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Qaybo ka mid ah Gobalka Bakool ayaa weeraro culus ku qaaday fariisimo ay As ku lahaayeen Gobalkaasi.
Howgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ururka 96-aad, Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan Tababar loogu soo xiray laguna qalabeeyay Magaalada Xudur.
Degaanno badan oo dhaca Gobolka Bakool, ayay sheegeen saraakiisha Ciidankaasi inay ka sameeyeen weeraro cagmarin ah oo ka dhan ah As.
waxaana ay noqonayaan 12-Sano kadib, Ciidankii ugu horreeyay ee Xoogga dalka katirsan oo lagu Tababaro Magaalada Xudur.
Howlgalka ayay ka fuliyeen tuulooyinka kala ah Banjinaay, aboore ilaa teed oo udhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Ceel-berde.
Howlgalkaas waxaa hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dhamme Cilmi Aadan Isxaaq, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ururka 96-aad ee Guutada 9-aad Dhamme Dhaahir Maxamed.
Khasaaraha ka dhashay intii howgalku socday lama sheegin, balse waxaa la aaminsan yahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac wac leh, maaddaama Ciidanku ay ka dul tageen fariisimihii As ee degaanadaaasi.