Hadal ka soo baxay Ilaaladda Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay inay qabteen Labo dooni nooca dagaalka oo ay la socdeen 10 ka tirsan Mariniska Maraykanka, kuwaasi oo lagu qabtay meel ku dhow Jesiiradda Farsi oo ku taalla Bartamaha Gacanka Carbeed.
Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ee The Pentagon, Peter Kook waxa uu sheegay inay labada dooni isaga kala gooshayeen Badda dalalka Kuwayt iyo Baxrayn, balse uu ka lumay Xiriirkii Isgaarsiinta.
Afhayeenka Aqalka Cad, Josh Ernast ayaa u sheegay Telefishinka CNN inay bad-qabaan Mariniska Maraykanka ee  lagu qabtay Iiraan.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry waxa uu Telefoonka kula xiriiray dhigiisa Iiraan, Maxamed Jafad Shariif, kana wada hadleen sidii loo sii dayn lahaa Mariniska Maraykanka ee lagu xiray Iiraan, kuwaasi oo kala ah 9 nin iyo haweeney.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Iiraan ee FARIS, ayaa sheegtay inay doonyahaasi saaran yihiin hub culus.
©Radio Dalsan               Â