Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hayโadaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaaday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hayโadaha caddaaladda dalka.
โHirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis laโaan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeedโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha.
Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha Garsoorka dalka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hayโaddaha caddaaladda dalka.