Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay laba heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Aserbajaan, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada Waxbarashada, Tababarrada iyo Tamarta.
Heshiisyada is-afgarad ah ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Aserbajaan ayaa wax weyn ka tari doona horumarinta dhinacyada Waxbarashada, Tamarta iyo tayeynta xirfadaha.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriirra dhinacyada amniga iyo shuruucda.