HomeWararDhageyso:-Wasiir Maryan oo Shaacisay Waqtiga uu dhaqan galayo Xeerkii dalka looga mamnuucay...

Dhageyso:-Wasiir Maryan oo Shaacisay Waqtiga uu dhaqan galayo Xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkada DP World

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhaqan gelinta go’aanka Baarlamaanka ee ku saabsanaa shirkadda DP World. Wasiirka ayaa sheegtay in dhaqan gelinta go’aankan ay ka harsantahay oo kaliya in Baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyaan Madaxweyne Farmaajo si uu saxiixo. “Tallaabada aan qaadnay shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba waa la socdaan, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhaqan gelinta go’aanka Baarlamaanka ee ku saabsanaa shirkadda DP World.

Wasiirka ayaa sheegtay in dhaqan gelinta go’aankan ay ka harsantahay oo kaliya in Baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyaan Madaxweyne Farmaajo si uu saxiixo.

- Advertisement -

“Tallaabada aan qaadnay shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba waa la socdaan, Raiisul Wasaarahuna si cad ayuu u soo bandhigay, balse haatan waxa la sugayo ayaa ah in howsha rasmiga ah ee dhinaca Baarlamaanka jirta markii ay soo gaba gaboowdo loo gudbiyo Madaxweynaha, kaddibna uu dhaqan geliyo go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka.”  ayey tiri Wasiir Maryan Aweys Jaamac.

Hadalka Wasiir Maryan ayaa imaanaya xilli maalmihii u danbeeyay Golaha Shacabka ay ku mashquuleen mooshin laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari,taasi oo dib u dhigtay in Xeerka dalka looga mamnuucay shirkadda DP World loo gudbiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo si uu u saxiixo.

“Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Midnimada Gayiga Soomaaliya” ee shirkadda DP World dalka looga mamnuucay ayaa horay waxaa u ansixiyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Golaha Shacabka iyo Aqalka sare,waxaana hadda keliya u harsan in Golaha Shacabka u gudbiyo madaxweynaha Soomaaliya si uu u ansixiyo.

- Advertisement -

Ugu danbeyntii,Wasiirka oo hadalkaan ka sheegtay shir jiraa’id ay ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku celisay in Dowladda Soomaaliya wali go’aanka ay ka qaadatay shirkadda DP World uu meeshiisii taagan yahay.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts