HomeWararSiyaasi C/raxmaan C/Shakuur”Shaki ayaan ka qabaa heshiiskii Dekada Berbera & Safarkii Ra’iisul...

Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur”Shaki ayaan ka qabaa heshiiskii Dekada Berbera & Safarkii Ra’iisul Wasaaraha ee Imaaraadka”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed marna ka mid ahaa musharixiintii la tartantay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay mowqifkiisa ee heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee dekada Magaalada Berbera. Siyaasiga ayaa marka hore sheegay in heshiis walba oo la galayo ay masuul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya berina wax laga bweeydiin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed marna ka mid ahaa musharixiintii la tartantay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay mowqifkiisa ee heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee dekada Magaalada Berbera.

Siyaasiga ayaa marka hore sheegay in heshiis walba oo la galayo ay masuul ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya berina wax laga bweeydiin doono.

- Advertisement -

“Dawlada Soomaaliyeed ayaa masuul ka ah Madaxbanaanida iyo ilaalinta midnimada dhulka Soomaaliya. Dawladu waa kafiilka xaga damaanadda, (collateral), iyo shakshiga qaanuuniga ah (Legal personality) ee heshiisyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in ay tahay cida beri loo raacanayo gaabiska, fulin la’aanta, ka bixista iyo burinta heshiiska heer caalami, maadaama aan Somaliland dunidu aqoonsanayn.

Sidoo kale waxa uu sheegay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi in uu shaki weyn ka qabo waxa isku soo beegay heshiisii Saddex Goosoodka ahaa ee Dekada Berbera kas oo ay kala saxiixdeen Soomaaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World iyo Kulankii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Carabta.

“Waxaan ognahay in Gudoonka Baarlamaanka uu 10 bilood ka hor Madaxweynaha u qoray in uu cadayn ka bixiyo arrimahan iyo kuwo la mid ah, weli kama uu soo jawaabin, waxaa kaloo shaki abuuray isku soo beeganka maalintii uu Raysalwasaaruhu bartiisa Twitter ka soo dhigaygay in uu la kulmay dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Sheekh Maxamad Bin Zayid oo ahayd 1da Maarso iyo maalinta la sii daayey warsaxaafadeedka saxiixa heshiiska”

- Advertisement -

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweyne Farmaajo  in uu cadeeyo mowqifkiisa hehsiiskaas laakin aysan wanaagsaneyn in la’aamuso.

 Warkan  Qoraalka ah ayuu Siyaasiga soo dhigay dhigay Bartiisa Facebook.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts