HomeWarar(Warbixin)Suuq madoow oo carruurta lagu iibiya miyaa ka jira Somaliland?

(Warbixin)Suuq madoow oo carruurta lagu iibiya miyaa ka jira Somaliland?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waa dhacdo ugub ah oo aan gayiga Soomaaliyeed inta badan lagu aqooni jirin, sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Hargaysa. Maxkamadda rafcaanka Hargaysa, ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland ayaa labo qof oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan iyo Khadra Cabdullaahi Maxamed midkiiba ku xukuntay labo sano iyo lix bilood oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waa dhacdo ugub ah oo aan gayiga Soomaaliyeed inta badan lagu aqooni jirin, sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Hargaysa.

Maxkamadda rafcaanka Hargaysa, ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland ayaa labo qof oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan iyo Khadra Cabdullaahi Maxamed midkiiba ku xukuntay labo sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu heley in ay ilmo ka xadeen qoys.

- Advertisement -

Waxaa la sheegay in qof ka mid ah dadka la xukumay uu ilmo ka kaxaystay magaalada Hargeysa, ilmaha waxaa dhalay reer ay qaraabo ahaayeen qofkan, wuxuuna geeyay magaalada Abaarso, kadibna waxaa la qabtay iyaga oo ilmaha yar dalka dibedda uga dhoofinaya.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ku kaliftay in ay ilmaha wataan, balse waxaa la qabaa tuhun ah in uu jiro suuq madoow oo carruurta looga ganacsado, waxaana arrintan sii xoojinaya Guuleed Dafac oo ah madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha oo yiri “Marka laga qiyaas qaato cabashooyinka dadka ka imanaya, dhoofinta carruurta waa ay badatay, waxayna ku dhacdaa dadka ciyaalka ah ee ka yar 15 jirka, dhibta jirtaa waxaa weeye sharcina noogama dagsana, wacyiga dadkana aad ayuu u liitaa”.

Balse taliyaha booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka warhaynin wax suuq madoow ah oo jira oo carruur looga ganacsado.

- Advertisement -

Hooyadii dhashay ilmahan yar ee la xaday ayaa iyadu lafteeda ku baraarugsan suurtogalnimada in ilmaha dalka dibediisa loo dhoofiyo, waxayna muddo bil ah ka raadinaysay meelaha dadka laga tahriibiyo sida Boosaaso oo kale.

“Garowe ayaan maray, Boosaaso ayaan tagay, 18 cisho ayaan meel buuro ah ku sugnaa oo aan wiilka ka raadinayay meelaha dadka laga tahriibiyo” ayay tiri hooyada ilmaha dhashay.

 

Sida uu sheegayo Aadan Salaad Seed oo ah xeer illaaliyaha dacwadan gacanta ku hayay , ma jiraan xeerar u gaar ah dambigan oo kale oo loo cuskado xukunka, sidaasi darteed ayaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay xukunka dbacsan ee ku dhacay dadkan.

Hooyada dhashay ilmaha ayaanan ku qanacsanayn xukunka, waxayna sheegtay in aysan suurtogal ahayn in 2 sano iyo 6 bilood oo kaliya lagu xukumo dad ay sheegtay in ay doonayeen in ay ka ganacsadaan xubnaha jirka wiilkeeda.

Ma jiraan wax tirakoob ah oo laga hayo carruuraha la xaday, waxaana ugu wacan “waalidiinta oo marka ay ilmaha waayaan, raadiya, kadibna ka quusta, dowladana aanan u sheegin” sida uu sheegay Guuleed Dafac.

Dhawaan gobolada Somaliland waxaa laga mamnuucay ugaarsiga iyo dhoofinta diinka, kaas oo loo dhoofinayay dalal ku yaala Aasiya oo dadka ay aaminsanyihiin in uu dawo yahay. Balse lama oga xiriirka Ka dhaxayn kara dhoofinta xayawaanka iyo tan carruurta oo hadda soo shaac baxaysa.

Hase yeeshee ka ganacsiga xubnaha carruurta waa arrin adduunka meelo badan ka jirta, waana mid ka mid ah ganacsiyada sharci darrada ee ugu halista badan.

BBC

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts