HomeWararSawirro:-Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay Xarunta D/Wadajir oo ku bur-burtay qaraxii ka...

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay Xarunta D/Wadajir oo ku bur-burtay qaraxii ka dhacay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Wadajir oo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Juun ee sanadkii hore. Waxana munaasabaddda dhagax-dhigga ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada aqal, maamulka degmada, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada. Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan (Qaanso) […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Wadajir oo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Juun ee sanadkii hore. Waxana munaasabaddda dhagax-dhigga ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada aqal, maamulka degmada, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan (Qaanso) oo ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyey dhibaatadii degmada ka dhacday bishii Juun ee 2017, taasi oo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka. Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Wadajir.

- Advertisement -

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow iyo Sen Samsam Daahir Maxamuud ayaa uga mahadceliyey shacabka degmada Wadajir in ay u istaageen dhismaha xarunta degmadooda, taas oo kaalin mugleh ka qaadan doonta isku xirka dawladda iyo shacabka. Iyagoo balan-qaaday in maamulka ay kala shaqeyn doonaan wax walba oo horseedi kara horumarka degmada.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa tilmaamay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntan oo fal argagixiso ku burburtay. waxuuna sheegey in maamulka gobolka Benaadir uu awooddiisa galinayo in Wadajir ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan.

“Xarunta degmada Wadajir ee maanta aan dhagax-dhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaankiina, waa inaan meel iska taagnaa wax walba oo dib-u-dhac keeni kara, maamulka gobolka Benaadir wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmada Wadajir”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

- Advertisement -

Eng. Yariisow ayaa ka codsaday bulshada degmada Wadajir in lala shaqeeyo maamulka degmada iyo kan gobolka Benaadir islamarkaasna loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caasimadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts