HomeWarar(SAWIRO): Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo wada Tukaday Salaad Roob-doon ah

(SAWIRO): Ardayda Jaamacadda Muqdisho oo wada Tukaday Salaad Roob-doon ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Waxaa xarumaha Jaamcadda Muqdisho lagu tukaday salaad roobdoon ah oo Alle lagu waydiisanayay inuu raxmadiisa ugu deeqo dadka abaaraha iyo biyo la’aanta ay haystaan. Waxay ardayda iyo macalimiintoodaba  Ilaahey waydiisteen in dhibaatadan uu ka saaro iyadoo laga dhabaynayo baaqii uu horay u jeediyay guddoomiya jaamacadda  Muqdisho Dr. Ibraahiim Maxamed Mursal Cali ee ahaa ” in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa xarumaha Jaamcadda Muqdisho lagu tukaday salaad roobdoon ah oo Alle lagu waydiisanayay inuu raxmadiisa ugu deeqo dadka abaaraha iyo biyo la’aanta ay haystaan.

Waxay ardayda iyo macalimiintoodaba  Ilaahey waydiisteen in dhibaatadan uu ka saaro iyadoo laga dhabaynayo baaqii uu horay u jeediyay guddoomiya jaamacadda  Muqdisho Dr. Ibraahiim Maxamed Mursal Cali ee ahaa ” in dhamaan bahda Jaamacadda Muqdisho ay isku taagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg deg ah  una gaarsiin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee abaartu kudhufatay gargaar”.

- Advertisement -

Guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Jaamacadda Muqdisho ahna guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho dhanka xiriirka Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) ayaa mar uu ka waramayay waxa uu sheegay in salaada roob doonka ee maanta la tukaday ay  daahfur u tahay hawshii lagu balamay wuxuuna ardayda kula dardaaramay inay guntiga dhiisha isaga dhigaan wuxuuna kula dardaarmay in markasta iyo xaalad kasta labadiyo ducada inuu Ilaahey dadka roob ukeeno.

Fadlan ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda iyo kuwa haatan dhigta, saaxiibada jaamacadda iyo inta khayrka jecel ee soomaaliyeed in ay adeegsan karaan akoonadaan hoos ku qoran ayna kusoo diri karaan qof walba waxa uu awoodo ee karaankiisa ah.

Dahabshil Bank:            MOG0008555
Salaam Bank:               30032889
Premier Bank:                020300017008
EVC :                            61-8454111
61-8454114

- Advertisement -

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ma ahan markii ugu horaysay ee ay hawlahaan oo kale ka qayb qaataan, waxa ay hore gargaar u gaarsiiyeen fatahaadihii kadhacay gobolka shabeelaha dhexe sanadkii 2006, abaarihii dhacay sanadka 2011 iyo 2013-ka.

ugu dambayn Jaamacadda Muqdisho waxa ay ugu baaqaysaa dhamaan maamulka, macalimiinta, ardayda dhigata jaamacadda iyo kuwa ka qalan jabiyay shaqaalaha iyo saaxiibada jaamacada dhamaantood inay u istaagaan sidii walaalhood dhibaataysan ay kaalmooyin ugu fidin lahaayeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts