HomeWarar(XOG): Donald Trump oo qeybo ka mid ah Somalia u asteyn doona...

(XOG): Donald Trump oo qeybo ka mid ah Somalia u asteyn doona Goobo Dagaal muddo 6 bilood ah.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

  Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump  ayaa sahminayo sidii uu u kala furfuri lahaa,loogana gudbi lahaa Waayihii Barack Obama ee loogu talagalay in looga hortego dhimashadda dadka Rayidka kala kulmaan Duqeymaha Diyaaradaha Drones-ka. Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Seattle Times ayaa qoray inuu Madaxweyne Trump dib u eegayo Hawlgalladda Komaandooska Maraykanka ka wadaan Dalalka ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump  ayaa sahminayo sidii uu u kala furfuri lahaa,loogana gudbi lahaa Waayihii Barack Obama ee loogu talagalay in looga hortego dhimashadda dadka Rayidka kala kulmaan Duqeymaha Diyaaradaha Drones-ka.

- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Seattle Times ayaa qoray inuu Madaxweyne Trump dib u eegayo Hawlgalladda Komaandooska Maraykanka ka wadaan Dalalka ay Dagaalladda ka jiraan sida Afganistan iyo Iraq.

Mar sii horreysay Madaxweyne Trump waxa uu Ballanqaad siiyey Codsi ay Waaxda Difaaca Maraykanka “The Pentagon” ku iclaamiyeen inay qeybo ka mid ah 3 Gobal oo ka mid ah Yeman yihiin Deegaano ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo dagaal.

- Advertisement -

Donald Trump  waxaa kaloo la filayaa inuu dhawaan sida ugu dhaqsaha badan u saxiixo Codsi kale oo ay Pentagon-ka ku doonayaan in qeybo ka mid ah Somalia loo aqoonsado goobo-dagaal muddo 180-maalmood.

Saxiixaasi waxa uu meesha ka saarayaa  caqabadaha hor taagnaa Duqeymaha iyo Hawlgalladda lagu beegsanayo dadka looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ee xiriirka la leeh Ururka Alqaacida, waa sida lagu qoray Wargeyska The Seattle Times.

Saraakiisha Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykankja ayaa rumeysan inuu Sharcigaasi tijaabo u noqon karo haddii ay Dowladda garwaaqsan doonto Sharcigii Madaxweynihii hore ee Obama ee sida KMG loogu xadiday dueymaha laga fuliyo qeybo ka mid ah Somalia iyo Yemen.

Tallaabadda uu Maamulka Donald Trump uu ku furayo in Awood Milliteri la isticmaalo waxay dhalin kartaa khasaaro ballarn oo soo gaara Dadka Rayidka ah, gaar ahaan dalalka Muslimka.

Maamulka Madaxweyna Trump waxay kaloo isku tijaabinayaan sidii loo kordhin lahaa Kharajka Milliteeriga, loona yarayn lahaa Taageeradd Dibedda iyo Miisaaaniyadda Waaxda Arrimah Dibedda ee Maraykanka.

Xigasho: The Seattle Times

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts