HomeWararSawirro:-Guddoomiyaha G/Benaadir oo xariga ka jaray Xafiiska Adeegga Bulshada ee degmada Yaaqshiid

Sawirro:-Guddoomiyaha G/Benaadir oo xariga ka jaray Xafiiska Adeegga Bulshada ee degmada Yaaqshiid

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maanta xariga ka jaray xafiiska adeegga ee degmada Yaaqshiid ayaa balan qaaday in shacabka ku nool Caasimadda loo dhaweyn doonno adeegyada uu bixiyo maamulka gobolku, si loogu fududeeyo howlaha ay uga baahan yihiin xarunta dhexe ee dawladda hoose. Duqa Muqdisho ayaa sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maanta xariga ka jaray xafiiska adeegga ee degmada Yaaqshiid ayaa balan qaaday in shacabka ku nool Caasimadda loo dhaweyn doonno adeegyada uu bixiyo maamulka gobolku, si loogu fududeeyo howlaha ay uga baahan yihiin xarunta dhexe ee dawladda hoose.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in markii hore adeegyada uu bixin doonno xafiiskan loo aadi jiray xarunta dawladda hoose, balse hadda wixii ka danbeeya shacabka ku nool degmada Yaaqshiid ay ka heli doonaan degmadooda, tani oo qeyb ka ah qorshaha maamulka gobolka ee loogu dhaweynayo shacabka dawladdnimada. Waxana kamid ah adeegyada uu xafiisku bixin doonno, shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aas,aasiga ah.

- Advertisement -

“Anaga oo ka duuleyna balan-qaadkeennii ahaa in shacabka loogu adeeggo si daacad ah, kana shaqeyno maamul wanaagga, waxaan maanta xariga ka jarnay xarunta adeegyada ee degmada Yaaqshiid oo kaalin mugleh ka geysan doonta shaqooyinkii ay shacabku uga baahan yihiin dawladda Hoose”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xaafadaha degmada Shibis oo saameyn ku yeesheen roobabkii dhowaan ka da’ay Muqdisho, isagoo xusay in maamulkiisu gacan siinayo shacabkii uu roobku saameynta ku yeeshay, isla markaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago dadka uu khasaaruhu soo gaaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts