HomeWararDhageyso:-Jawaari”Waxaan cadeynayaa in aysan jirin in dhaqaalo leygu siiyey in aan is...

Dhageyso:-Jawaari”Waxaan cadeynayaa in aysan jirin in dhaqaalo leygu siiyey in aan is casilo”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee dhawaan is casilay ayaa ka hadlay warar leyska dhex marayay Baraha Bulsahda kuwaas oo lagu sheegayey in guddoomiye Jawaari uu lacago Malaayiin dollar ah uu ku qaatay in uu iska casilo xilka guddoomiyenimo. Mudane Jawaari oo khudbad ka jeedinayey Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Warkaas uusan waxba ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee dhawaan is casilay ayaa ka hadlay warar leyska dhex marayay Baraha Bulsahda kuwaas oo lagu sheegayey in guddoomiye Jawaari uu lacago Malaayiin dollar ah uu ku qaatay in uu iska casilo xilka guddoomiyenimo.

Mudane Jawaari oo khudbad ka jeedinayey Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Warkaas uusan waxba ka jirin,isla markaana in uu xilka baneeyo ay ka wada hadleen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,.

- Advertisement -

“Runtii waxan rabaa in aan cadeeyo in aan waxba ka jirin wararka baraha Bulshada lagu faafiyey ee ah in aan xilkeygii dhaqaalo ku iibsaday,waxana arrinkaasi ka dambeeye kuwa Alle ka cabsiga ku yar yahay,laakin waxan sheegaya in asyan dahqaalo igu siin dowladdeyda iyo dowlad kale intaba balse aniga iyo madaxweynaha aya isku raacnay xilka tegisteyda wuxuuna ii balan qaaday in uu iga talo gelin doono arrimaha masiiri u ah dalkeena ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale waxa uu sheegay in waxyaabaha baraha Bulshada lagu faafinayo ay yihiin kuwo lagu sumcad dilayo Madaxda iyo culima’udiinkeena,isla markaana uu ka codsanayo Shacabka Soomaaliyeed in la daayo waxyaabaha xumaanta ah ee Baraha Bulsahda lagu faafinayo.

Hadalka guddoomiyihii golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili tan iyo markii ay soo baxday is casilaadii Jawaari Baraha Bulshada  iyo Wabsite-yada lagu faafinayey in xilka uu uga tegay lacago uu qaatay.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts